﻿1
00:00:06,480 --> 00:00:08,760
Carruurtu waxay u
baahan yihiin waalidkood.

2
00:00:08,880 --> 00:00:12,240
Waalidku waa dadka
ugu muhiimsan nolosha ilmaha.

3
00:00:12,720 --> 00:00:16,920
Qof kasta waxaa loo arkaa
ilmo ilaa uu ka buuxiyo 18 sano.

4
00:00:17,280 --> 00:00:21,160
Carruurta oo dhan waxay leeyihiin
qiime iyo xuquuq isku mid ah.

5
00:00:22,520 --> 00:00:26,640
Carruurtu waxay xaq u leeyihiin inay ku
koraan ammaan iyo inay iskuul tagaan.

6
00:00:27,240 --> 00:00:29,960
Waxay xaq u leeyihiin
dhaqankooda iyo luqaddooda.

7
00:00:31,120 --> 00:00:33,040
Ilmana lama oggola in la takooro,

8
00:00:33,160 --> 00:00:36,040
ama loo geysto 
gacanqaad ama hanjabaad.

9
00:00:36,280 --> 00:00:39,880
Taas waxay ku qoran tahay
Heshiiska xuquuqda carruurta.

10
00:00:40,240 --> 00:00:42,040
Heshiiska xuquuqda carruurtu

11
00:00:42,160 --> 00:00:43,920
waa urur xeerar ah oo ku 
saabsan xuquuqda carruurta,

12
00:00:43,920 --> 00:00:45,520
waa urur xeerar ah oo ku 
saabsan xuquuqda carruurta,

13
00:00:45,920 --> 00:00:48,160
oo ay dalalka
badankoodu heshiis ku yihiin,

14
00:00:48,280 --> 00:00:50,720
Iswiidhanna sharci
ayuu ka yahay.

15
00:00:51,600 --> 00:00:54,040
Waalid ahaan waxaad
carruurta ka ilaalineysaa wax

16
00:00:54,160 --> 00:00:54,840
khatar ku ah

17
00:00:54,960 --> 00:00:56,280
oo dhaawaci kara.

18
00:00:57,400 --> 00:01:00,360
Qoyska dhexdiisa, adiga 
ayaa waalid ahaan ka mas’uul 

19
00:01:00,480 --> 00:01:03,480
ah inay carruurtu helaan
waxa ay u baahan yihiin si

20
00:01:03,600 --> 00:01:06,640
ay u horumaraan, una 
dareemaan wanaag iyo nabadgelyo.

21
00:01:08,080 --> 00:01:10,960
Balse waalidnimadu ma
aha wax had iyo jeer fudud.

22
00:01:11,480 --> 00:01:13,760
Marmar waxaa la dareemaa 
ku filnaan la’aan, 

23
00:01:14,080 --> 00:01:15,720
welwel iyo kalsoonidarro,

24
00:01:15,840 --> 00:01:19,000
iyo inaan mar kasta la
garan karin wax la sameeyo.

25
00:01:20,120 --> 00:01:23,440
Marar badan asxaab iyo 
qaraabo ayaa gacan laga heli karaa.

26
00:01:23,880 --> 00:01:27,120
Balse marmar waxaa gacan
looga baahdaa adeegga bulshada.

27
00:01:27,680 --> 00:01:30,800
Ama ”sooshalka”,
sida qaar ay u yiraahdaan.

28
00:01:31,680 --> 00:01:35,080
Adeegga bulshadu wuxuu ka
jiraa dhammaan degmooyinka Iswiidhan.

29
00:01:35,520 --> 00:01:38,120
Halkaas waxaa ka 
shaqeeya xoghayeyaal bulsho 

30
00:01:38,240 --> 00:01:41,840
si ay u caawiyaan carruurta iyo 
qoysaska ay xaaladuhu ku adag yihiin.

31
00:01:42,920 --> 00:01:44,120
Adeegga bulshadu

32
00:01:44,240 --> 00:01:47,560
wuxuu si wada jir ah ula shaqeeyaa 
qoysaska doonaya caawimo

33
00:01:47,680 --> 00:01:48,960
iyo taageero.

34
00:01:49,760 --> 00:01:51,720
Hadday xaaladuhu qoys ku adag yihiin

35
00:01:51,840 --> 00:01:54,160
waa muhiim inay 
caawimaad goor hore helaan.

36
00:01:55,080 --> 00:01:58,720
Markaas ayaa dhibaatooyin yaryar
la xallin karaa intaysan weynaan.
